Fardowsa oo loo balan qaaday deeq caafimaad

Shaqaalaha Airporka Toronto ayaa deeq Cafiimaad u balan qaaday Fardowsa oo indhaha ka xiran yihiin. Bahda SOMCARE waxa ay ka mahadnaqayaan balanqaadkaas sharafta leh, sidoo kale dadweynaha soomaaliyeed waxa aanu ka codsaneynaa in ay ka qeyb qaataan samafalka walaalahooda dhibaateysan meel kasta oo ay joogaan, wixii aad maanta la baxdaan beri ayaad helaysaan.

Reer Birmingham oo u istaagay caawinta Xassan

khadiijo mahamed Ali iyo asxaabteeda reer Birmingham ayaa u istaagay inay caawiyaan willkaan yar ee Xasan, Wiilkaan waa 7 bilood jir, wuxuuna la xanuunsanayaa buro uga soo baxday wejiga, Sida dhaqaatiirtu sheegeen wiilkan wuxuu u baahan yahay daweyn dalka dibadiisa ah, wuxuuna ka dhashay qoys sabool ah oo aan awoodin in ay ka bixiyaan qarshka dawada ama safraka midna.

Aisha Before and After / Caasha qaliinka ka hor iyo kadib

Laba bilood ka hor Caasha waxa ay la dhibaataysneyd buro afka uga taalay mudo 8 sanadood ah, Kadib markii aan ka war helney dhibka haysta Caasha waxaanu u soo bandhigney dadweynaha Soomaaliyeed ee qurbo joogta ah, waxaa markiiba caawiyay dad aad u kheyr jecel, waxaana lagu guuleystay in Caasha buradii la jaro oo afkeedii caadi ku soo noqdo.

Cabdi-raxmaan wuxuu la il daran yahay biyo madaxa uga jira

Abdirahman Abdulkadir waa wiil 6 bilood jir ah una baahan daaweyn dibadda ah si looga saaro biyo madaxa uga jira, hadii ay ku raagaan biyahan madaxa uga jira wiilkan yar waxa ay sababi karaan in ay dhaawacaan xubnaha kale ee jirkiisa, sida lugaha oo uu jiis ka naqdo ama yaryarada, Runtii cudurkaan waa la daawayn karaa hadii si dhaqso ah looga gaaro.

ASMA oo deeq caafimaad ka heshay walaalo Soomaaliyeed

Masjidka Assunnah Islamic centre oo ay leeyihiin Jaaliyada soomalieed ee ku yaala xaafada Tottenham ee Woqooyiga Magaalada London ayaa Deeq caafimaad u fidiyay gabadhan yar ee ASMA, kadib markii ay arkeen dhibaatada heysata gabadhan yar oo la xanuunsan buro weyn oo uga soo baxday qoorta, Waxaan leenahay Allah ha idinka abaal mariyo.
  • Sorry: It seems that you don't have flash PlayerGet the Flash Player here With out flash Played you cannot watch our videos.

  • Sorry: It seems that you don't have flash PlayerGet the Flash Player here With out flash Played you cannot watch our videos.